Dugsiyada Dadwaynaha ee Saint Paul 2013-2014

2013-2014 Tusmada Waxyaabaha aad Hubinayso Marka aad Dooranayso Iskuul (PDF)

Dugsiyada Degmada Saint Paul waxay ku faraxsan yihiin inay soo bandhigeen shabakada wararka (web site) oo si fudud loo isticmaali karo, taasoo ka caawinaysa qoysaska inay carruurtooda u doortaan iskuulka ugu fiican. Maalmahan soo socda, meeshan shabakada wararku waxay ka koobnaan doontaa faah-faahin ku qoran luuqadaha Hmong, Soomaali, iyo Spanish. Islamarkaana, waxaad lasoo daadegi kartaa (download) wararka oo ku qoran habka PDF-ka kuna saabsan faah faahinta iskuulka oo turjuman.

 

Haddii aadan lahayn habka Adobe Acrobat, waxaad isagoo bilaash ah kala soo daadegi kartaa www.adobe.com/products/acrobat.

Taariikhaha Muhiimka ah

Janawari 2013  -  Tusmada Xulashada Iskuulada Waxaa Lasoo Saaridoonaa

Janawari 12, 2013  -  Carwada Wargalinta Waalidiinta Waxaa Lagu Qabanayaa RiverCenter

Feebarwari 15, 2013  -  Maalinta Ugu Dambaysa ee DHAMAAN Araajida Fasalada Labuuxin Karo Waa Jimcaha

Janawari – Feebarwari 2013  -  Xaflada Furitaanka Dugsiyada Hoose & Furitaanka Dugsiyada Sare waxay bilaabanaysaa bisha Janawari, fadlan si toos ah iskuulkaaga ula xiriir si aad wixii akhbaar ah uga hesho

Abriil 26, 2013  -  Maalinta ugu dambaysa ee araajida loo buuxin karo Aqbalaada Hore ilaa iyo Baaritaanka Caafimaad ee caruurta galaysa Fasalada Xanaanada (Early Admission to Kindergarten Screening) waa